Cillad dad badani ka cawdaan ayaa ah codka oo sidii wax degdegaya ah ama rikood cajaladdii cunaya oo kale. Xalkeedu waa adiga oo kombiyuutarkaaga galiya borogaraamka Flash-ka noociisa ugu dambeeyay. Si aad taa u samayso riix badhanka cas ee hoos ka muuqda.
Haddii aad wax cillad ah kala kulantay maqalka barnaamijyada ee duuban ee website aan soo gelino, fadlan halkan ku soo sheeg cilladda oo faahfaahsan. Eeg sanduuqa dusha ee laynka casi ku wareegsanyahay, haddii aad ku dhex aragto qoraal halkaa ku qoran (Your Flash version:) soo raaci farriintaada. Waad na soo waydiin kartaa cilladkasta, hase ahaatee soo faahfaahi. Bogga hore ee webisteka waxaad ku arki kartaa barnaamijka maalinwalba oo duuban. Si aad u dhagaysato waa inaad arki kartaa >>
ama sawirka hoos ka muuqda:

- Haddii aanay kuu muuqan falaadha cad ee dusha ku tilmaaman, waxaad u baahan tahay Flash Player. Fadlan guji sawirkan, kadib marka aad websiteka gasho, soo download garee Flash Player adiga oo riixaya meesha ay ku qorantahay Agree and install now

- Haddii falaadha dusha lagu tilmaamay
ay kuu muuqato, guji si aad u dhagaysato barnaamijka. Haddii wali aanad codka maqli karin, hubi inaan codku ka xidhnayn kombuutarkaaga, haddii uu codku u furanyahayna isku day inaad maqalka codka ee kombuutarkaaga aad kor u qaaddo
- Haddii aad wali cillad kala kulmayso oo aanad xalka helin fadlan cilladda oo faahfaahsan halkan hoos ku soo qor si aan kaaga jawaabi karno