Help! – Ma maqli karo …

1st October 2008 in note



Cillad dad badani ka cawdaan ayaa ah codka oo sidii wax degdegaya ah ama rikood cajaladdii cunaya oo kale. Xalkeedu waa adiga oo kombiyuutarkaaga galiya borogaraamka Flash-ka noociisa ugu dambeeyay. Si aad taa u samayso riix badhanka cas ee hoos ka muuqda.

Haddii aad wax cillad ah kala kulantay maqalka barnaamijyada ee duuban ee website aan soo gelino, fadlan halkan ku soo sheeg cilladda oo faahfaahsan. Eeg sanduuqa dusha ee laynka casi ku wareegsanyahay, haddii aad ku dhex aragto qoraal halkaa ku qoran (Your Flash version:) soo raaci farriintaada. Waad na soo waydiin kartaa cilladkasta, hase ahaatee soo faahfaahi. Bogga hore ee webisteka waxaad ku arki kartaa barnaamijka maalinwalba oo duuban. Si aad u dhagaysato waa inaad arki kartaa >>  ama sawirka hoos ka muuqda:

  1. Haddii aanay kuu muuqan falaadha cad ee dusha ku tilmaaman, waxaad u baahan tahay Flash Player. Fadlan guji sawirkan, kadib marka aad websiteka gasho, soo download garee Flash Player adiga oo riixaya meesha ay ku qorantahay Agree and install now
  2. Haddii falaadha dusha lagu tilmaamay ay kuu muuqato, guji si aad u dhagaysato barnaamijka. Haddii wali aanad codka maqli karin, hubi inaan codku ka xidhnayn kombuutarkaaga, haddii uu codku u furanyahayna isku day inaad maqalka codka ee kombuutarkaaga aad kor u qaaddo
  3. Haddii aad wali cillad kala kulmayso oo aanad xalka helin fadlan cilladda oo faahfaahsan halkan hoos ku soo qor si aan kaaga jawaabi karno

8 Responses to “Help! – Ma maqli karo …”

  1. egal Says:

    s/c saaxibayaal, waxaan aad u jeclahay dhegaysiga (radio horyaal.net) hadaba waxaa marnaba ii suuri geli weydey, in aan si wanaagsan u dhageysto maqalka idaacadda r/h.

    codku waa uu u furanyahay kom biyuutarkayga, sameecaduhuna kor baay u qaadanyihiin,(dalacanyihiin) , nasiibdaraduse waxay tahay cilada jirtaa waa maqalka aan maqlayo ee dhagahayga ku soo dhacaya oo aad moodo sidii recod cajaladii kujirtay cunya ama raabsanaya,

    bal markaas maxaa uu xalka ciladaasi noqonayaa, ama sidee baan sidii safiga maqalka r/h loo helayaa.

    Aad baydun u mahadsantiin.

    by egal

  2. admin Says:

    Egal, macluumaadka aad na siisay kuma ogaankaro cilladda dhabta ah, waxase aan u malaynaynaa in goobta aad ka dhagaysanayo internetku daciif yahay. Haddii internetkaagu daciif yahay, waxa kaa isistaagaya codka waxana soo dhexgali kara xabeeb. XAL: Marka hore riix fallaadha cad ee player-ka, markaa waxa bilaabmaya cod, markale taabo meeshii falaadhu ku taallay oo imika isu beddeshay 2 xariiqood ||, si aad u xidho. Waxa aad sugtaa muddo daqiiqado ah intaas oo computerkaagu internetka ka soo akhrinayo codka. Daqiiqado kadib mar kale riix fallaadha cad, waxaad arki doontaa xariiq dheer oo cas oo playerka dhexdiisa ka muuqata (jiifta) oo ah qiyaasta codka computerkaagu kala soo baxay internetka. Waxaan rajaynaynaa markaa inaad cod ka wanaagsan kii hore maqli karto.

  3. Keise Says:

    when I Start the program it sounds fast like it is in fast forward and I can not understand it.

  4. ALI KAYSE Says:

    Waxaa Jira Cilad illaa xalay ahayd oo ku saabsan marka aad shido falaadha ama aroww>>>>> sidaa oo kale u dhigan, In aad codkii maqlayso laakiin farsamo xaga duubista ah ayaa jirta codkii wuu degdegayaa sidaa darteed Fadlan xalka ka gaadha.
    Waad salaamantiin
    Bye Cali Kayse.Mid ka mida Dhegaysta yaashiina.

  5. Ali jama Says:

    Marka hore aadbaan idiin salamaya ma hayo wax cilad ah hase ahaatee waxaan fariintaydan ula jeedaa gabadha la yidhaahdo muna

    munay salan laakiin waxaan aad ugu qoslay heestii ka midka ahayd barnaamujkii 21.01.09 ee ahayd
    ADIGUBA DHARAARAAD KA QOSLAYSAY DHOOSHEE KKKKKKKKK
    Xoogaa shimbirawaaqlayn ah waa loo baahnaa dhibka haysta UDUB laakiin dee miyaanay calaacal u yara ekayn (kaftan)

    wabilaahi tawfiiq
    Ali jama
    Oslo

  6. Muuse Says:

    Bacda Salaan Saxiibayaal WAXA AAN Dhagaystaa Idaacadan Codka Xorta ah ee Radio Horyaal, Markaa Caawa oo Axad ah WALI wARKII Maydaan soo galin miyaa mise cilad ayaa timid

  7. Caliciise Says:

    ACWW, waxaan doonaya inaan idin ogaysiiyo Xalay oo tariikhdu ahayd 01/02/09 manaan dhegaysan Horyaal oo waxaa jiray cilad farsamo ee bal fadlan eega waxa ka xun markaad istidhaahdo dhegayso waxay soo qoraysa error.

    Waad mahadsan tihiin

    Caliciise CArdiff uk

  8. jimcaale digaale Says:

    jicale digaale
    waaryaadhaheen waad mahadsantihiin hawshaad umada somaliland u wadaan lakiin inyara ayaa xagayga ka jirta oo aan warka helin laba cisho kadib ayaan warka helna ee maxagiina mise waa xagayaga bal ciladaa lana soo socodsiiya sidaan uga baxano mahadsantihiin……….holland nimcaal@hotmail.com

Leave a Reply